Sh maxamed ibraahim dulmi diid

Waa Aasaasaha & Milkiilaha Bogaga kala duwan ee Dulmidiid, DulmiDiidClips & Furuucdooda & sidoo kale Aasaasaha & Milkiilaha Soomaal Ltd, Wocizy.com & Ganacsiyo kaloo kala duwan,
Horena wuxuu kasoo shaqeeyay Shaqooyin kala duwan sida Imaam iyo Khadiib inuu usoo ahaa Umado dhaqan & Luuqadba ku kala duwanaa sida Masaari, Marookaan, Soomaali, Turki & Hindiba,
Shaqooyinka Xoogsigana wey badnaayeen kuwii ugu Dambeeyay inteysan Noloshiisa is badalin waxaa ka mid ahaa ka shaqeynta Shirkad Ubaxyada Sameysa iyo inuu Taksiile ahaa..

My vision for the future is to see individuals from my country break free from limitations and achieve remarkable independence and success. Through my specially designed course, I aim to share the insights, strategies, and personal experiences that have shaped my journey. My vision is to provide a roadmap for aspiring entrepreneurs, enabling them to build thriving businesses, foster self-sustaining careers, and attain financial freedom. By equipping my audience with practical tools and actionable knowledge, I strive to inspire a transformative wave of innovation and positive change within our community. Together, we can create a future where success is attainable for everyone.

Vision

Waxaa noo Muuqda Awooda & Firfircoonida Qofka Soomaaliga Alle ku Abuuray Laakiin aan in badan laga Faa’ideysan Xaalado jira awogood in meel aad u sareysa gaari karo haduu fahmo fikradaha & fursadaha Onlineka yaala ee lacag sameynta waliba Noloshiisa & tan Qoyskiisaba badali kara asagoo Alle kaashanaya.

Mission

Anagoo ka duuleyna Xadiiskii Rasuulka scw ee ahaa Gacanta Sareysaa Ka Kheyr Badan Mida Hooseysa sidoo kalana Khibrad u leh aduunka meeshuu marayo xaga Dhaqaale Sameynta Ogna sidoo kale Faqriga inuu Sabab u noqdo Qofka xitaa in Diintiisa laga fitneeyo ama la gumeysto si Toos ama Dadban ayaan go’aan sanay Fursadaha Lacag Sameynta ee Onlineka anagana tijaabinay ilaa hadana wali ku jirna inaan Umadeena Soomaaliyeed la wadaagno si ay uga faa’ideystaan sidaan anagaba uga faa’ideysanay,
Hadafkeenuna waa in Qofka noqdaa Xur oo uusan cidna u daba fariisan Noloshiisa, Waqtigiisa Qaaliga ahna galiyo wixii Anfacaaya Aduun & Aakhiro.